Haweeney dhawaan kusoo biirtay Ciidamada Dowladda oo Muqdisho lagu toogtay

Muqdisho (KON) - Kooxo Hubeysan ayaa Shalay Galab iyo Xalay Magaalada Muqdisho ku toogteen Labo Haween oo mid ay ka tirsaneed Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Haweeney dhawaan kusoo biirtay Ciidamada Dowladda oo Muqdisho lagu toogtay

Nadiifo Wiilo oo dhawaan kusoo biirtay Ciidamada Dowladda F. ayaa lagu toogtay Bartamaha Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in isla markiiba ay Goobta ku geeriyootay.

Kooxihii Dilkaas geestay ayaa goobta iskaga baxsaday.

Haweeney Ganacsato ah ayaa Xalay lagu dilay Degmada Wardhiigley, xili ay u socotay Gurigeeda oo ku yaala Xaafada Xamar Jadiid, waa sidee Goobjoogayaal u sheegeen Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa Xalay Howlgallo ka wadeen Goobihii lagu toogtay Labadaan Haween.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho