Kufsiga Haweenka ee Gobalka Sh/Hoose

Muqdisho (KON) Gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa qiray in ciidamada dowlada Soomaaliya ay falal kufsi ah ka geestaan gobalkaasi.
Warar Keydmedia Online
Kufsiga Haweenka ee Gobalka Sh/Hoose

Gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay kufsi ka geestaan gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in uu indhihiisa ku arkay labo gabdhood oo yar yar oo ay kufsadeen askar ka tirsan dowlada Soomaaliya isla markaana ay ku xoogeen deegaano hoos taga magaalada Afgooye.

“ciidamadaan magaranayno sida loo qoray iyo waxa lagu qaatay waxaan ka codsanaynaa gorsoorka in uu wax ka qabto arintaan”sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobalka.

C/qaadir Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay haataan qaar ka mid ah askarta dowlada oo kufsi ka geestay gobalkaasi, wuxuuna sheegay in ay ku wareegin doonaan maxakamada ciidamada.

Isbitalka guud ee degmada Afgooye ayaa haatan waxaa jiifa haween loo geesto kufsi, kuwaasi oo aanan halkaasi ku haysan daryeel fiican iyo waliba cid wax ka qabata dhibaatada heesata.

Tan iyo markii ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobalkaasi ayaa waxaa soo badanayay kufsi loo geesto haweenka oo ay u geestaan ciidamada dowlada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho