Haweenku ma heli karaan qoondadooda siyaasadeed?

Dadka sida dhaw ula socda siyaasada ayaa ku doodaya in aysan jirin wax ka suura gali kara hirgalinta qoondada haweenka.

Warar Keydmedia Online
Haweenku ma heli karaan qoondadooda siyaasadeed?

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaki aad u ballaaran ayaa dul hoganaya in haweenka Soomaalida ay qoondadooda siyaasadeed ee 30% (boqolkiiba Sodonka ah) ka helaan howlaha doorashada Soomaaliya oo iminka lagu guda jiro.

In muddo ah haweenka Soomaaliyeed ayaa gucla orad ugu jiray xaqiijinta mataladdooda siyaasadeed oo lagu qiimeeyo 30% taas oo ay ka heli waayeen dawladihii dalka soo maray.

Haweenka ayaa aaminsan in ragga Soomaalida ay xagal daacinayaan heshiiskaasi ku saabsan kaalintooda siyaasadeed, waxana culeys weyn ay kala kulmayaan beelaha ay matalayaan kuwaas oo badankood aan ku qanacsaneyn in kursigooda ku matasho ruux dumar ah.

Si ay u suura gasho helitaanka qoondada ay ku haminayaan haweenka hanka siyaasadeed leh ayaa doorashadan la dhaqan galiyey in loo xiro kuraastooda, si ay ugu tartamaan haween oo qura, waxana RW Rooble uu kal hore magacaabay guddi xaqiijinaya in aan lagu xad gudbin mataalada siyaasaded ee haweenka.

Dadka sida dhaw ula socda siyaasada ayaa ku doodaya in aysan jirin wax ka suura gali kara hirgalinta qoondada haweenka, waxana ay ku sababeynayaan in ay adag tahay habkii looga dhaadhicin lahaa ergada wax soo xuleysa.

Beesha caalamka ayaa inta badan ka digta in lagu xad gubo matalaada siyaasadeed ee haweenka loo qorsheeyey, iyagoo si ay taasi u guuleysato kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka oo ay ka dalbadeen in fursad siyaasadeed la siiyo dumarka.

Hablaha Soomaalida ayaa sidoo kale wajahaya culeys dhaqaale, maadaama aysan dhaqaale ahaan la baratami karin ragga siyaasiyiinta ah, waa tan rajo la'aanta bideysa damacooda siyaasadeed iyo hiigsiga qoondadooda.

Haweenka damaca siyaasadeed leh ayaa cod adag ku sheegaya in aysan ka gorgortami doonin qoondada loo qorsheeyey, waxana taa badalkeeda ay tilmaamayaan in ay istaahilaan ama ay naawilayaan matalaad ka badan kootada xilligan loo qoondeeyey ee boqolkiiba sodonka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.