UN oo ka warbixisay khasaarihii ay geysteen roobabkii Guga

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Bani'aadanimada ee OCHA ayaa warbixin kasoo saartay khasaarihii ay geysteen roobabkii Guga ee ka curtay dhawaan Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
UN oo ka warbixisay khasaarihii ay geysteen roobabkii Guga

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Bini’adamnimada ee OCHA ayaa warbixin ka soo saaray khasaarihi ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay Soomaaliya.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in 25 qof ay ku geeriyoodeen roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da'ay dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ku barakaceen 25,000 oo qoys kuwaas oo ku noolaa Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado horleh ka geystay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Maamulka Hir-Shabeelle iyo degaanno ay kamid yihiin
Moyko, Baaroow, Xaanshooley  & libiga, halkaas oo dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Magaalada Muqdisho waxay biyo daad ah oo soo rogmaday ay qaadeen caruur hurudda kuwaasoo waalidkii dhalay hal gabar ay ka badbaadeen. Afar wiil iyo Hal gabar ayey biyihii qaadeen.

Warbixintan hordhaca ah oo ay soo saartay hay'adda OCHA ayaa looga hadlay dhibaatada ay geysteen roobabkii Guga ee dhawaan ka curtay gobollada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.