Baasaboor bixinta oo dib loo billaabayo

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dib u billaabaysa qabashada codsiyada iyo bixinta Baasaboorada dalka, kaddib xayiraad muddo saarneed kaddib.

Warar Keydmedia Online
Baasaboor bixinta oo dib loo billaabayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargalisay muwaadiniinta Soomaaliyeed, in hay’addu dib u bilaabeyso qabashada codsiyadaiyo bixinta baasaboorada.

Sida ku cad waraaqda oo kasoo baxday xafiiska ugu sarreeya hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa lagu sheegay in 4/Abriil/2021 dib loo billaabi doono qabashada codsiyada Baasaboorada, kaddib xayiraad uu sababay COVID-19 oo in muddo ah saarneyd waaxda Baasaboor sameynta ayaa dib u howlgali doonta.

Wajigii 2-aad ee laba-kacleynta Caabuqa Covid-19 ayaa sababay in hakad la galiyo Baasaboor sameynta, inkastoo weli ay sii socoto dhimashada iyo dadka uu soo ridanayo xanuunka haddana waxaa la qaaday tallaabo loogu fududeynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed baahida ay uqabaan Baasaboorada.

Halkan hoose ka akhriso waraaqda:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.