Hay’adda Culumadda oo ku dhawaaqday in ay ku Biirtay dagaalka Al-shabaab {DHAGEYSO}

Muqdisho (KON) - Kulan Maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Hay'adda Culumadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in Culumadda ay ku biiren Dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab.
Warar Keydmedia Online
Hay’adda Culumadda oo ku dhawaaqday in ay ku Biirtay dagaalka Al-shabaab {DHAGEYSO}

Gudoomiye Kuxigeenka Hay'adda Culumadda Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Culumadda ay soo dhaweyneyso Duulaanka lagu hayo Maleeshiyada Al-shabaab iyo Hawlgalka Badweynta Hindia.

Sheikh Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab ay yihiin Argagixiso aan Diinta Shaqo ku laheyn, islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago oo Dadka laga qabto.

Sidoo kale Hay'adda Culumadda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Taageeraan oo ay Biyaha u qaadaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo ku howlan Dagaalka 'Cadawga' Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa Dagaal ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ka wada Gobolada dalka, iyadoona Goobo badan laga saaray Shabaab tan iyo markii uu bilowday wajiga 2-aad ee Dagaalka Al-shabaab looga soo horjeedo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho