Heerka Saddexaad ee COVID-19 oo ka dillaacay dalka

Sida ay warbixin ku soo saartay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, waxaa sii kordhaya tirada dadka Soomaaliyeed ee uu ku dhacayo cudurka Covid-19.

Warar Keydmedia Online
Heerka Saddexaad ee COVID-19 oo ka dillaacay dalka

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa mar kale la warinayaa inuu dalka ka dillaacay heerka Saddexaad ee cudura faafa ee COVID-19, kaas oo ah saf-mar si deg deg ah uga tallaabayay qaarad ka qaarad, tan iyo markii uu ka soo if-baxay Shiinaha labo sano ka hor.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas hor leh oo Caabuqa Covid-19 ah. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in 24 -kii  saac  ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan 887qof, iyadoo laga helay 29 qof.

Magaalada Muqdisho ayaa laga helay kiisaska ugu badn kuwaas oo tiradoodu gaareyso 17 qof, degaanada Puntland hoos yimaada ayaa iyagana laga helay 11 ruux oo xanuunku haleelay, halka Soomaaliland laga soo sheegay hal bukaan.

Dhimashada 24 -kii saac ee u dambeeyay dadka uu dilay Caabuqa Covid-19 waxaa lagu sheegay 6 ruux, (Banadir:2, Puntland:2, Jubbaland:1, Somaliland:1).

Tirada guud ee laga helay xanuunkan tan iyo intii uu soo billowday waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan 15,323 qof,  inkastoo ay bogsadeen tiro lagu qiyaasay 7,430, hadana waxaana u dhintay 804 qof .

Heerka Saddexaad ee COVID-19, ayaa la sheegayaa inuu ka duwan yahay heerarkii hore, waxaana guud ahaan degmooyinka Caasimadda, si weyn looga hadal hayaa soo laabasahada caabuqa Corona virus.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.