Heerka uu gaarsiisan yahay Musuqmaasuqa

Keydmedia Online ayaa soo saari doonta barnaamij gaar ah oo ka hadlaya Weerarkii taariikhdu markay ahayd 10ka bisha August 2020 ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya iyo isku milanka laamaha amniga & Kooxda Al-Shabaab. 

Warar Keydmedia Online
Heerka uu gaarsiisan yahay Musuqmaasuqa

MUQDISHO - Daawadeyaasheenna qiimaha leh iyo dhammaan intiinna ku taxan Keydmedia Online waxaan ku wargelineynaa in dhawaan aan idiin soo gudbin doonno barnaamij gaar ah oo ku saabsan Weerarkii Xabsiga Dhexe ka dhacay 10kii bishii August 2020.

Waxaan dareemi karnaa inay jiraan su’aalo ay dadweynuhu marwalba isweydiiyaan oo ay ka mid yihiin sidee ayey weerarrada noocaan ahi ku suurto galeen, Yaase gacan ka geysta?

Haddaba sidii aad uga barateenba Keydmedia Online inay xog ku dhisan xaqiiqo & caddaymo idinla wadaagto ayay waxay in muddo ah ku hawlannayd inay hesho warbixinno qarsoodi ah oo bulshada ka daahnaa oo ku saabsan weerarro ka dhacay xabsiga dhexe sannadihii la soo dhaafay, ciddii fulisey, ciddii gacan ka siisay iyo sida baahsan ee loo dayacay daryeelka & badqabka maxaabiista & shaqaalahaba.  

Heerka uu gaarsiisan yahay musuqmaasuqa iyo dayaca masuuliyadeed ee xabsiga ka jira. 

Warbixintaan ayaa muujineysa isku milanka laamaha amniga & Kooxda Al-Shabaab iyo fashilka Dowladda ee sugidda amniga caasimadda.

Qeybta Koowaad ee Barnaamijkaas Saddexda qeyb ah, waxaad bogga Keydmedia Online kala socon kartaa maalinta Isniinta. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.