Heshiis laga gaaray dagaal beeleed ka socday gobolka Hiiraan

Baaq nabadeed oo uu soo saaray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayay sheegeen in ay aqbaleen odayaasha beesha Xawaadle, kaasi oo ku aadanaa in meelaha shaqaaqooyinka ka dhaceen lagu wareejiyo ciidamada milatariga iyo booliiska.

Warar Keydmedia Online
Heshiis laga gaaray dagaal beeleed ka socday gobolka Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya- Deegaannada Kabxanley iyo Deefoow ee gobolka Hiiraan oo dhawaanahan ay ka socdeen dagaallo u dhaxeeyay beelo walaalo ah ayaa laga gaaray maanta heshiis horudhac ah.

Baaq nabadeed oo uu soo saaray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayay sheegeen in ay aqbaleen odayaasha beesha Xawaadle, kaasi oo ku aadanaa in meelaha shaqaaqooyinka ka dhaceen lagu wareejiyo ciidamada milatariga iyo booliiska.

"Waxaan diyaar u nahay nabad, wax kasta oo dhacay gogasha uu Ugaasku fidiyay ayaa looga arrinsan doonaa,” ayay yiraahdeen odayaasha Xawaadle.

Deegaanka Kabxanley ayay tilmaameen inay ku wareejiyeen ciidamada amniga, iyagoo xusay in maleeshiyadii qabsatay deegaanka laga saaray.

Qoysas badan aya ku barakacay dagaaladii ka dhacay deegaannada Kabxanley iyo Deefoow ee gobolka Hiiraan. Labada dhinac ee dagaalmayay ayaa sameeyay falal aan wanaagsaneyn oo ay qeyb ka aheyd in guryo iyo beero dab la qabadsiiyo.

Kabxanley oo ka mid ah meelaha uu ka dhacay dagaalka xooggan, waxay magaalada Beledweyne ka xigtaa dhinaca Waqooyi galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.