Heshiis laga gaaray Shirweynaha Beelaha Mudullood

Shirkan oo isha lagu wada hayay ayaa mudo labo jeer ah dib u dhacay qabashadiisa, sababo la xiriira cilado farsamo iyo khilaaf u dhaxeeyay hogaanka dhaqanka iyo qaar kamida siyaasiyiinta Mudullood.

Warar Keydmedia Online
Heshiis laga gaaray Shirweynaha Beelaha Mudullood

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalintii shalay kulan ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Mowlaca Maclin Nuur lagu soo afjaray mad-madow ka dhex jiray hogaanka Mudullood, taasoo keentay inuu baaqdo shirweynaha beesha ee la qorsheeyay 13-kii bishan July.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Cali Maxamed Geedi, Muuse Suudi, Cali Mahdi iyo qaar kamida duubabka iyo waxgaradka beesha ayaa ka qeybgalay kulanka, oo lagu sameeyay gudi kasoo shaqeeyay qabsoomida shirkii Mudullood.

Ugaas Maxamuud Cali iyo Muuse Suudi oo khilaaf hoose u dhaxeeyay ayaa isku cafiyay kulankii shalay, waxaana madasha lagu soo afjaray wixii kala aragti duwanaasho ahaa ee ku aadan shirweynaha la qabanayo, kaasoo faragelin xooggan kala kulmaya Villa Soomaaliya.

Shirka wuxuu kusoo beegmayaa xili dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah, oo doorasho kusoo wajahan tahay, islamarkaana dowladda iyo mucaaradka isku hayaan nooca doorasho ee la qabanayo, waxaana jira baaqyo ku aadan in doorasho dadban, oo kuwii hore lamid ah in la qabto, maadaama qof iyo cod aan suurtagal ahayn xiligan.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu horey ugu adeegsaday siyaasiyiin dowladiisa taageersan oo kasoo jeeda Mudullood fashilinta Shirka, balse uu ku hungoobey kadib markii hogaanka dhaqanka iyo siyaasadda ay isku duubmeen, meeshana ka saareen kala qeybsanaantii jirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.