Heshiis lakala dhex dhigay dadka daggan Xananbuuro

Heshiis hordhac ah ayaa lagu gaaray maanta degaanka Xananbuuro kaasoo lagu soo gabagabeeyay dib-u-heshiisiintii laga waday dhinacyadii ku diriray Xananbuuro.

Warar Keydmedia Online
Heshiis lakala dhex dhigay dadka daggan Xananbuuro

XANANBUURO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka Warfaafinta dowladda Soomaaliya iyo mas'uuliyiih ka socota wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku guuleystay in ay soo gabagabeeyaan dadaalladii nabadeed ee laga waday degaanka Xananbuuro halkaas oo ay ku dagallameen beelo walaalo ah oo wada daga.

Cabdiraxamaan Yusuf Cumar Al-Caddaala ayaa ku howlanaa dhammeynta colaadaha kasoo cusboonaaday degaano ka tirsan Galmudug, waxa uuna ugu danbayntii sheegay in odayaasha labada dhinac ee Xananbuuro iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug ay kala saxiixdeen heshiis horudhac ah oo ka kooban 12 qodob kaas oo fure u ah nabadda Xananbuuro.

Waxa uu sheegay in toddobaad gudihiis uu qabsoomidoonaa shirwayne nabadeed oo loogu talagalay dhinacyadii ku dagallamay Xananbuuro, dhowr mar hore ayey colaadda Xananbuuro soo noq-noqotay, waxaana heshiis muhiim ah laga gaaray nabad ku-wada-noolaashiyaha degaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.