Hey’adda culimada: Dhibaatada Soomaaliya waa faragalinta shisheeye

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Gudoomiyaha hey'adda culimada soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed salaad ayaa sheegay in dhibaatada xiligan ka taagan soomaaliya sababteeda ay tahay faragalinta shisheeye, isagoona xusay in xalka soomaaliya uu yahay in gabi ahaanba laga taqaluso faragalinta shisheeye.
Warar Keydmedia Online
Hey’adda culimada: Dhibaatada Soomaaliya waa faragalinta shisheeye

Arintan ayaa shiikha waxa uu ka sheegay gabagabada shir muda 3 cisho ah uga socday culimada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kaasoo looga arinsanayay xaalada siyaasadeed iyo tan bani'aadanimo ee ka taagan Dalka.

Shiikh Bashiir waxa uu ku nuuxnuuxsaday in kooxaha soomaalida ee faraha isku taagtaaya dhamaantood ay yihiin kuwa u adeegaya shisheeye dan gaar ahna ka fulinaya Dalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay danaha gaarka ah in leyska hilmaamo oo danta guud laga wada shaqeeyo.

WWW.KEYDMEDIA.NET