Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Gudoomiyaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Taliyaha Saldhiga Magaalada Baled-weyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla iyo Odayaal.
Wafdiga ayaa gaaray Deegaanka Jeereey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo Shalay Tuulooyin ku yaala Maleeshiyo Hubeysan ay dab qabasiiyeen.
Maxamed Cismaan Cabdi “Qalaafoow” oo Keydmedia la hadlay ayaa sheegay in Daminta Colaadaasi uu ku baxay islamarkaana uu la kulmay Labada Dhinac ee halkaasi Degan.
Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in la damiyo Xiisada Colaadeed, waxaana uu sheegay in Lamagi doono Tuulooyinkii lagu gubay Deegaanka Jeereey ee Magaalada Baledweyne hoostagta.
Shalay ayaa ilaa 7 Tuulo oo ku taala Deegaanka Jeereey, waxaa Dab qabasiiyey Maleeshiyo ka mid ah kuwa Deegaanka.
Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments