Hinda Cumar oo si arxandarro ah loogu dilay Hargeysa

Qoyska Marxuumad Hinda Cumar ay sheegay in meydka markii hore lagu sameeyay baaritaan, kadibna la ogaaday in inta aan la dilin la kufsaday.

Warar Keydmedia Online
Hinda Cumar oo si arxandarro ah loogu dilay Hargeysa

HARGEYSA, Soomaaliland - Waxaa magaalada Hargaysa ee Caasimadda Soomaaliland dil iyo kufsi loogu gaystay Allaha u naxariistee gabadh lagu magacaabo, Hinda Cumar oo deganeed xaafada loo yaqaan Maxamed Mooge.

Ehellada Allaha u naxariistee haweeneyda geeriyootay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in ay geeyeen isbitaalka , loona xaqiijiyey in inta aan la dilin, ka hor lagula kacay kufsi iyo jirdil aad u xoogan oo sababay geerida ku timid marxuumadda.

Waxay sheegeen in gabadha markii ugu dambaysay la saaray gaari bas ah oo ay la socdeen laba nin, kadibna loo sheegay in gabadhooda ay geeriyootay.

Ehellada marxuumada la dilay ayaa hay’adaha amniga Soomaaliland ugu baaqay in soo fara-geliyaan arrintaan si ay cadaalad ugu helaan gabadhooda, waxaana la sheegaya in Booliska soomaaliland ay galeen kiiskaan, islamarkaana baaritaan ku wadan dad looga shakisanyahay falka.

Dhacdooyinka iskugu jira dilka iyo kufsiga lagula kaco haweenka ayaa aad ugu soo badanaya gayiga Soomaalida, xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ayaana qoraal uu ku baahisay barta twitter-ka ku sheegay inay ka xunyihiin kufsiga iyo dilka loo geystay Hinda Cumar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.