Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kulankaani ay Maanta ku yeesheen Mudanayaasha Baarlamaanka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaawaxaa Shir Guddoominayay, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Baarlamaanka u soo gudbisay Ajandaha "Hindiso Sharciyeedka Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka", waana Maalintii Labaad oo uu Baarlamaanku ka doodayo Ajandadaan.
Xildhibaano ayaa waxa ay soo jeediyeen in Shuruudaha Gobollada iyo Degmooyin Cusub laga doonayo la kordhiyo, sidoo kale Hindiso sharciyeedkaan ayaa waxaa ku jiray qodobo qeexaya in dhismaha Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka lagu dhameystiro Muddo Seddex bilood ah taas oo ay Xildhibaanada qaar ay soo Jeediyeen in la kordhiyo islamarkaana laga dhigo Mudoo Lix bilood ah.
Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay si Deg-Deg ah u soo gudbiyaan Sharcigan oo tifaftiran, si loo Ansaxiyo.
Dhanka kale, Haweenka ku jira Baarlamaanka ayaa codsaday in tirada Ergooyinka Shirweynaha Degmooyinka oo 150 Xubnood ah laga dhigo 50%, hada waa 25 %.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments