Hirshabeelle: Diiwaan-gelinta Musharixiin oo socota

Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo 11-ka bishan, iyadoo tartanka sanadkan uu ka duwan yahay labadii doorasho ee lasoo dhaafay, maadaama hanaanka la afduubay.

Warar Keydmedia Online
Hirshabeelle: Diiwaan-gelinta Musharixiin oo socota

JOWHAR, Soomaaliya - Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa maanta billaabey diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulkaasi.

Waxaa magaaladda Jowhar ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo olole doorasho, waxaana socoda diyaar-garowgii ugu dambeeyay, maadaama labo maalmood ka hartay waqtiga Xildhibaanada dooranayaan Madaxweynaha cusub.

Wararka ayaa sheegay in musharaxa Madaxweyne laga qaadayao $15,000, halka ku xigeenka uu bixinayo $10,000.

Keydmedia Online ayaa horey usoo qortay inay doorashadda Hirshabeelle noqotay mid Villa Somalia afduubtay, oo laga weeciyay jidkii loogu tala-galay kadib markii Xildhibaanno qaarkood Sirdoon ah lagu daray Baarlamaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.