Hirshabeelle: Diiwaan-gelinta Musharixiinta oo lasoo gaba-gabeeyay

Labo musharax oo uu ku jiro sii hayaha xilka Madaxweynaha Cali Guudlaawe ayaa loo diiwaan-geliyay inay u tartami doonaan xilka ugu sareeya Hirshabeelle.

Warar Keydmedia Online
Hirshabeelle: Diiwaan-gelinta Musharixiinta oo lasoo gaba-gabeeyay

JOWHAR, Soomaaliya - Guddiga doorashadda maamulka Hirshabeelle, ayaa maanta soo gaba-gabeeyay howshii diiwaan-gelinta musharaxiinta, kuwaasoo maalin berri ah khudbado ay kusoo bandhigi doonaan barnaamijkooda siyaasadeed u jeedinaya Baarlamaanka.

Illa shalay wuxuu guddiga diiwaan-geliyay afar musharax, oo kala ah Cali Guudlaawe iyo C/raxmaan Jimcaale oo isku sharaxay xilka Madaxweynaha iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (M Dheere) oo Madaxweyne ku-xigeen u tartamaya.

Dabageed wuxuu soo noqday dhowr jeer gudoomiyaha gobolka Hiiraan halka Cali Guudlaawe uu ahaa Madaxweyne ku-xigeen maamulkii ugu dambeeyay ee Maxamed Cabdi Waare, oo todobaadkii tagey is-casiley, iyadoo mudo-xileedkiisa ku ekaa bishii hore.

Doorashadda Madaxweynaha waxay dhacaysaa sida jadwalka uu yahay 11-ka bishan, oo ku beegan Arbacadda, waxaana jira saadaalin la sameeyay oo ku saabsan inay Villa Somalia iyo Fahad Yaasiin ay goor hore sii diyaariyeen Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle.

Waxaa oo badinayaa inuu noqon doono musharax kasoo jeeda beesha Abgaal, iyadoo lagu qanciyay Xawaadle, oo labadii mar ee ugu dambeysay soo hayay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle, oo noqday mid khilaaf iyo loolan ka taagan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.