Doorashadda HirShabeelle oo gacanta u gashay DF

Magaaladda Jowhar waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha Maamulkaasi, iyadoo Xildhibaanada cusub ay noqon doonaan codbixiyaal.

Warar Keydmedia Online
Doorashadda HirShabeelle oo gacanta u gashay DF

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa xalay kulamo la qaatey siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan, isagoo ku sugan magaaladda Jowhar, oo shalay uu safar siyaasadeed ku tagey.

Wararka Keydmedia Online ka helayso qaar kamid ah mas'uuliyiinta uu la kulmay, ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu u jooga magaaladda labo arrimood oo kala ah, inuu dhex-dhexaadiyo beelaha tabasho qabo, oo kuraastoodii baarlamaanka si qasab ah looga qaatey iyo ololihiisa doorashadda.

Mucaaradka iyo dowladda waxay ku tartamayaan HirShabeelle, taasoo keentay inay doorashadda socota faragelin kala kulanto labada dhinac, oo midba midka kale xusul-duub ugu jiro inuu helo Xildhibaanada Federaalka ee ka imaan doono Maamulkan.

HirShabeelle ayaa la geeyay bishii tagtay Ciidamo DF soo dirsatay, oo la wareegay Madaxtooyadda iyo xarunta Baarlamaanka kahor doorashadda, waxaana gudiga howsha wada noqday mid aan madax-banaanni haysan, oo ku shaqeeya amaro Villa Somalia uga yimaada.

Villa Soomaaliya oo ku caanbaxday faragelinta doorashooyinka Maamul Goboleedyada tan iyo markii Farmaajo xukun dalka qabtay ayaa Xildhibaano ka dhigtay shaqaale dowladda katirsan, iyadoo qaar kamid ah laga soo xulay NISA.

Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweyne dooran lagu dooran doono Jowhar, maadaama horey Fahad Yaasiin u go'aamiyay cida noqonaysa Madaxweynaha 3aad ee HirShabeelle, oo sanadkan markii ugu horeysay beesha Abgaal la siiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.