Hirshabeelle oo Madaxweyne cusub dooranaysa

Afar Musharax oo uu ku jiro Cali Guudlaawe, oo Madaxweyne  ku xigeen u ahaa Waare ayaa tartamaya.

Warar Keydmedia Online
Hirshabeelle oo Madaxweyne cusub dooranaysa

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada Hirshabeelle, ayaa Maanta dooranaya Madaxweyne cusub, oo noqonaya midkii 3aad oo Maamulkan yeesho tan iyo 2016.

Afar Musharax ayaa u kala tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenka, waxaana codeynaya 90 Xildhibaan, oo hoolka doorashada ku sugan.

Madaxweynaha waxaa u sharaxan Cali Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale, iyadoo Yuusuf Daba-Geed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle u taagan yihiin Madaxweyne ku xigeen.

Xildhibaanada cusub ayaa u badan xubno katirsan NISA, oo la filayo inay u codeeyaan Musharaxa Villa Somalia.

Faragelinta DF ee doorashooyinka Maamul Goboleedyada waa mid soo socotay tan iyo markii Farmaajo Madaxweyne ka noqday dalka Feburary 2017.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.