Hirshabeelle oo raalligalin ka dalbatay Midowga Musharixiinta

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, ayaa eed kulul u jeediyay Midowga Musharixiinta, waxayna ku tilmaameen qaswadayaal, fowdo ka abuuraya Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Hirshabeelle oo raalligalin ka dalbatay Midowga Musharixiinta

BALADWEYNE, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa gaashaanka ku dhufatay, war saxaafadeed ay soo saareen Golaha Midowga Musharixiinta, kaas oo ay ku sheegeen in aan wali xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taaagan gobolka Hiiraan, taas oo ay hubanti la’aan ku tilmaameen sida ay uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq, iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, oo dhawaan saxaafadda kula hadlay Baladweyne, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Labada masuul, ayaa Midowga Musharaxiinta, ku eedeeyay in ay u gafeen shacabka Magaalada Beledweyne, isla markaana ay doonayaan in doorashada kuraasta Baarlamaanka laga wareejiyo xarunta gobolka Hiiraan, waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Guddoomiye Siraaji, ayaa Midowga Musharaxiinta, ku tilmaamay qaswadayaal abaabulaya  fowdo ka dhan ah Hiiraan, si doorashooyinka loogu koobo Jowhar, wuxuuna taas baddalkeeda sheegay in Baladweyne ay diyaar u tahay marti-galinta doorashooyinka.

Masuuliyiinta oo ku hadlayay afka Hirshabeelle, ayaa ka dalbaday Golaha Midowga Musharaxiinta inay raaligalin ka bixiyaan hadlkoodii kuu wajahnaa Baladweyne.

Hirshabeelle ayaa ah mid ka mid ah saddex maamul goboleed oo Kooxda Farmaajo ay geeyeen maamul maqaar saar ah, waxaana doorashooyinkii maamulkaas oo la boobay ay sababeen jabhado ka aloosmay labada Gobol.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.