Hirshabeelle oo shaacisay jadwalka HOP106 iyo HOP024

249 kursi oo 50 ka mid ah dumar yihiin, ayaa la doortay, waxaana dhimman doorashada 26 kursi, Baldweyne, waxaa ku dhiman 2 kursi, Jowhar waxaa ku dhiman 5 kursi, Baydhabo waxaa baaqi ku ah 3 kursi, halka ay Garbahaarrey ku harsan yihiin 16 kursi.

News Keydmedia Online
Hirshabeelle oo shaacisay jadwalka HOP106 iyo HOP024

JOWHAR, Soomaaliya - Guddiga maamulka doorashada heer dowalad goboleed (SIET HIRSHABELLE) ayaa soo saaray jadwalka doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraasta degaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Sida ku cad, jadwalka uu soo saaray Guddiga, 13/04/2022, ayaa la diiwaan gali doonaa ergada iyo murashixiinta, HOP#106 iyo HOP#024, halka 14/04/2022, la qaban doono doorashada kuraasta oo mid kasta ay baratankiisa u taagan yihiin dhowr masharrax.

HOP#106, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Dr. Mina Xasan Maxamed, waxaana tantankiisa u taagan, musharixiin ay  ka mid ah yahiin, Korneyl Xaadoole, oo ka mid ahaa saraakiishii Badbaado Qaran iyo Shadoor Xaaji oo Xisbiga Wadajir ka tirsan.

Malaaq Cali Malaaq Maxamed, Nabadoon Cadow Maxamuud Cumar, Nabadoon Xasan Cali Maxamed, Nabadoon Axmed Jaras Maxamed, Fadumo Cabdulle Xasan iyo Shukri Xuseen Cabdulle, ayaa soo xuli doona ergada dooraneysa kursigaan.

Kursigan HOP#024, waxaa isna Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay Cabdulqadir Carabow Ibraahim, oo si weyn kaga soo hor jeeday hannaankii uu shanti sano ee la soo dhaafay uu wax ku waday Farmaajo, waxaana la aaminsan yahay inuu isagu ku soo laaban karo.

Nabadoon Shariif Cali Xasan, Nabadoon Xuseen Jilacow Maxamed, Nabadoon Xasan Cali Afrax, Fartuun Ibraahim Daahir iyo Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa soo xuli doona ergada kursigaan oo ay leeyihiin Wacbuudhan, Daa'uud, Abgaal.

249 kursi oo 50 ka mid ah dumar yihiin, ayaa la doortay, waxaana dhimman doorashada 26 kursi, Baldweyne, waxaa ku dhiman 2 kursi, Jowhar waxaa ku dhiman 5 kursi, Baydhabo waxaa baaqi ku ah 3 kursi, halka ay Garbahaarrey ku harsan yihiin 16 kursi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.