Hobyo: Garoon Diyaaradeed oo la dhagax dhigay

Hobyo (KON) - Degmada Hobyo ayaa yeelan doono Garoon Diyaaradeed, waxaana Magaalo Xeebeedka Hobyo Shalay laga dhaga dhigay Garoon Cusub.
Warar Keydmedia Online
Hobyo: Garoon Diyaaradeed oo la dhagax dhigay

Garoonkan ayaa laga hirgaliyay Duleedka Waqooyiee Magaalada Hobyo waxaan, waxaana Dhagaxdhiga Garoonka ka qayb galay Gudoomiyaha Gobalka Hobyo Xuseen Salaad Wehliye, Golaha Degaanka, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada iyo Qaybaha Bulshada Gobalka.

Gudoomiyaha Gobalka Hobyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Xuseen Salaad Wehliye ayaa tilaabo weyn ku tilmaamay Garoonkaan Cusub, wuxuuna sheegay in Garoonkaan uu Noqon doono Garoon weyn oo Caalami ah.

Degmada Hobyo ayaa u baahan Garoon Cusub kadib markii uu burbur xoogan ku yimid Garoonkii hore ee Diyaaradaha Hobyo.

Sido kale Galmudug ayaa dhawaan bilaabo doonto dib u dhiska Wadooyinka Degmada Hobyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo