Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo

Muqdisho (KON) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Raaskambooni ay dhaawac u geesteen Yaasiin Raadaar oo ah ninka labaad ee hogaamiya kooxda Raaskamboobi.
Warar Keydmedia Online
Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo

Wararka ayaa sheegaya maleeshiyaadkaan oo gadood sanaa in ay xabad ku dhufteen Yaasiin xili uu ka soo baxay dekada magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in haatan loola cararay dhaawaca hogaamiyaha labaad ee maleeshiyaadka Raaskambooni isbital ku yaala magaaladaasi oo ay leeyihiin ciidamada Kenya, waxaana la sheegay in Rasaasta ay Madaxa kaga dhacday.

Kooxda Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaanan arintaan wali wax war ah aanan ka bixin.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho