Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan oo kenya ku sii socda

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo iminka isu badalay hogaamiye kooxeedka casrigan shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku sii socda maalmaha ina soo aadan magaalada Nairobi ee caasimadda kenya.
Warar Keydmedia Online
Hogaamiye kooxeed Shariif Xasan oo kenya ku sii socda

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu ka qeyb galayo shirka Mahiga uu ku qabanayo Nairobi ee dhacaya 12-13- bishan, waxaana shariif xasan uu doonayaa isagoo hogaamiye kooxeed ah inuu sheegto magaca TFG.

Wararku waxay sheegayaan in Mahiga uu lacag badan u balan qaaday Hogaamiye kooxeedkan si shirka aanu u fashilmin maadaama dowlada qeybaheeda kale duwan ay qaadaceen shirka Kenya ee QM garwadeenka ay ka tahay.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa xili hore waxa ay xaqiijiyeen in hogaamiye kooxeed Shariif Xasan uu afduub xoog leh ku heysto Baarlamaanka isla markaana sidii uu doono uu ka yeesho.

WWW.KEYDMEDIA.NET