Hogaanka Kooxda TPLF: Dagaalka haduu billowday

Hogaanka Kooxda TPLF ayaa beeniyay in dowladda dhexe ee Itoobiya ay xoog millitari ay kula wareegtay magaalooyinka istaatiijiga ah ee Dessei, Kombolcha iyo Baati.

Warar Keydmedia Online
Hogaanka Kooxda TPLF: Dagaalka haduu billowday

ADDIS ABABA, Itoobiya - TPLF ayaa sheegtay in dowladda dhexe ee Itoobiya aysan guul ka gaarin magaalooyinka Dessei, Kombolcha iyo Baati, balse ay iyagu ay iskaga baxeen. 

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda oo fariintaan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in aysan jirin ciidan abaabulan oo ka saaray magaalooyinkaas istaatiijiga ah, wuxuuna hadalkiisa ku daray in "arrimuhu ay ku socdaan sidii qorshahayagu ahaa”.

Hogaanka TPLG ayaa todobaadkaan sheegay in dagaalku 'uu hada bilowday', wuxuuna sheegay in ay iska dhicin doonaan waxa uu ku tilmaamay ciidamada cadowga, isagoo xusay inay sii wadayaan dagaalka ilaa ay xukunka ka tuuraan Abiy Axmed. 

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalka oo ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah, waxayna dowladda uu hogaaminayo Abiy Axmed ay sheegtay inay sii wadayaan duullaanka, ilaa TPLF laga saarayo magaalooyinka ay haystaan.

Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa dhankeeda sheegtay in ay istaraatijiyad dagaal uga baxday degaanno gaar ah.

Maalmihii la soo dhaafay, warbaahinta dowladda ayaa baahineysay muuqaallada Abiy oo labisan dhar ciidan, kaas oo todobaadkii hore shaaciyay inuu hoggaamin dono weerar rogaal celis ah, kaddib markii dagaalyahannada TPLF, ku hanjabeen inay ku wajan yihiin Addis Ababa.

Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa ka maqan isgaarsiinta, waxaana si weyn loo xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqiijiyo.

Cabsida laga qabo in ciidamada Tigreegu gaaraan Addis Ababa ayaa keentay in Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo dalal kale ay muwaadiniintooda ugu baaqaan inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya, maadaama isku dayo dhex dhexaadin aysan miradhalin.

Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay, malaayiin ayaa barakacday, halka ay boqollaal kun wajahayaan macluul daran, sida lagu sheegay qiyaasaha Qaramada Midoobay, tan iyo markii uu dagaalku qarxay horraantii Noofambar 2020.

Dabayaaqadii Noofambar, ciidamada dawladdu waxay qabsadeen caasimadda Tigray ee Mekelle, hayeeshee, bishii Juun, ciidammada Tigraygu ayaa dib ula wareegay inta badan gobolka taas oo keentay in ay u daataan gobollada deriska ah ee Axmaarada iyo Canfarta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.