Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo gaaray Dhuusamareeb

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug. 

Warar Keydmedia Online
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo gaaray Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa maanta gaaray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hor kacayo.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo dad shacab ah ayaa garoonka ku soo dhaweeyay, waxaana la filayaa in uu madaxda ugu sarreysa maamulkaas kulamo la qaadan doono.

"Waxaan mahad wayn u celinayaa masuuliyiinta iyo shacabka Dawlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan reer Dhuusmarreeb sida milgaha iyo maqaamka sare leh oo ay maanta aniga iyo wafdigayga noogu soo dhoweeyeen caasimadda Galmudug." ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir ayaa horey u qaadacay natiijada shirkii Dhuusamareeb 3.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.