Hoggaamiyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku sii jeedo Baydhabo

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle, Galmudug ayaa ku sii jeeda, halkaas oo ay kula kulmo doonaan Madaxweynaha Cabdicasiis Laftagareen. 

Warar Keydmedia Online
Hoggaamiyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku sii jeedo Baydhabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ku sii jeeda magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Macaaluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in hoggaamiyaashaan ay ka arinsan doonaan hirginta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo dhamaadka bishii la soo dhaafay lagu soo gabagabeeyay Galmudug.

Hoggaamiyeyaashaan daacadda u ah villa Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegayaa in ka hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan kulamada siyaasadeed ay magaalada Muqdisho ka wadaan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo horey u diiday shirkii Dhuusamareeb 3.

Dhinaca kale warar Hoose ayaa sheegaya in kulanka masuuliyiintaan ay maal gelineyso madaxtooyada Soomaaliya oo dagaal siyaasadeed kula jirto Puntland iyo Jubbaland.

Muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo ay ka harsantahay wax ka yar 5 bilood, ayaanan waxaa muuqan wax diyaar garow ah ama talaab loo qaaday dhinaca doorashada, waxaana magaalada Muqdisho ka bilowday kulamo mucaaradka oo gacan ka helayo dowlad goboleedyada ka bilaabeen dhoola tus siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.