Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka oo farriin u diray Farmaajo

Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka oo mar soo noqday guddoomiyiha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi ayaa war qoraal ah oo kooban kula hadlay hoggaanka dalka ugu sareeeya.

Warar Keydmedia Online
Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka oo farriin u diray Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Taabit Cabdi oo horay usoo noqday Guddoomiyiha Gobolka Benaadir ayaa barta uu ku leeyahay Facebook -ga wuxuu ku soo qoray hadal dhaxal gal ah oo uu kula hadlayo Madaxweyne Farmaajo isagoo xasuusiyay qatarta ka imaan karta sida uu wax ku wado madaxweynuhu "Qatarta ugu weyn ee ummad iyo qarankooda soo wajaha waa hoggaan aan waxba u tureyn" ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Mudane Taabit Cabdi Maxamed 

Isagoo xasuusinaya awoodda dowladnimad waxa ay tahay iyo dhibaatada ka imaan karta haddii laga leexiyo wajhaddii ay ku socotay ayuu yiri "Mar haddii maamulkii dowladnimo sii noqonayo mar hadii aan helay waxba dhowran maayo. Awooddu waa dab oo kale, waad ku baacin kartaa dadka kale waqti gaaban, balse ogow dabka adiga ayaa gacanta ku haya, haddaanan lagaa qabanna waa adiga cidda ugu horeysa ee ku gubaneysa, haarta ugu weynna uu ku reebayo."  

Ugu dambeyntii ayuu usoo jeediyay talo isagoo xusay in dalka iyo dadka loo turo, waxa uuna yiri "Waxaan ku talineynaa in caqligu shaqeeyo, oo dadka Soomaaliyeed ee dowladnimada rajada ka qaba loola dhaqmin maxaa iiga lumaya. Dalka iyo Dadka ha loo turo."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.