Hoggaanka Galmudug oo u soo guuray Muqdisho

Sida ay Keymdedia Online u sheegeen, saraakiil ka tirsan ciidanka 21-aad, Kooxda Al-Shabaab, ayaa maalmihii danbe siyaadisay culeyska ay saarayaan degaannada Koofureed ee gobolka Galgaduud, gaar ahaan degaanno koofur-qorraxsimaad uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

News Keydmedia Online
Hoggaanka Galmudug oo u soo guuray Muqdisho

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, (Qoorqoor), Madaxweyne ku xigeynkiisa Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Maxamed Axmed Gacal, inta badan Wasiirrada iyo Xildhibaannada GM, ayaa magaalada Muqdisho ugu sugan danahooda gaarka ah, xilli xaalado ammaan laga soo sheegayo Galgaduud.

U-jeedka ay shaqsiyaadka hoggaanka u ah Galmudug u joogaan Caasimadda ayaa ah sababo la xariira howlaha doorashooyinka Madaxweynaha dalka oo Axadda soo socota la qorsheeyay in la qabto, hayeeshee, ma jiraan wax shaqooyin ah oo ay ku qoran yihiin, waxayna canshuurtii laga aruuriyay shacabka Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb iyo Guriceel, ku jiifaan huteellada Muqdisho.

Sida ay Keymdedia Online u sheegeen, saraakiil ka tirsan ciidanka 21-aad, Kooxda Al-Shabaab, ayaa maalmihii danbe siyaadisay culeyska ay saarayaan degaannada Koofureed ee gobolka Galgaduud, gaar ahaan degaanno koofur-qorraxsimaad uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Sidoo kale, dadka degmada Guriceel ayaa qaba cabsi xooggan oo ku aaddan in Kooxda Ahlu-sunna maalmahaan duullan ku soo qadaan magaalada, waxaana durba la soo sheegayaa in shacab badan ka qaxay xaafadaha waqooyi ee degmada, maadaama dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan laga dareemayo degaanka Bohol.

Billowgii bishii October ee sanadkii hore ayay ahayd, markii ciidan taabacsan Shaakir la wareegeen gacan ku heynta Guriceel, ka hor inta aysan dib uga bixin isla-dhamaadkii sanadkaas, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay magaalada.

Kooxdaan oo in ka badan 10 sano maamuleysay degmooyinka, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, ayaa laga fara-maroojiyay maamulkii gobolka, dhamaadkii 2019, kadib markii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, uga baxday ballamo siyaasadeed.

Sida ay ku doodayso madasha Badbaadada Galmudug, tallaabada ugu horreeya ee bulshada degaankaas looga fadhiyo doorashada Madaxweynaha kadib, waa badbaadada maamulka iyo in lala xisaabtamo hoggaanka haatan oo ah haraadi uu ka tagay Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.