Homeland Security oo Abaal marin siisay Labo Police oo Somaali ah - Daawo

Minneapolis (Keydmedia) - Labo nin oo Somaali ah oo ka mida Police-ka ka howlgala Minneapolis ayaa shalay waxaa abal marin gudoon siiyay Homeland Security oo ah hayda qabilsan xaga amniga Wadankaan Mareykanka.
Warar Keydmedia Online
Homeland Security oo Abaal marin siisay Labo Police oo Somaali ah - Daawo

Officer Abdiwahab Ali & Mahamed Abdulahi ayaa abal marintan sida la sheegay ku mutesteen kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin Cadaan ah oo oday Somaliyeed kula kacay jildil iyo midab takoor intaba.

Goerge oo sida la sheegay ku sifoobay naceebka Dadka Soomaalida ah ee ku nol Minneapolis ayaa la sheegay in uu garacay oday Somaliyeed oo dadisa lagu qiyasay 82 jir kadib markii ay iskaga hor imadeen mel wada ah.

Dad gob jogayaal ahaa xiligii uu dhacay falkan ayaa durba wacay Police-ka oo u dul qaadan wayay waxa loo geesanayo odaygan Somaliyeed, Police-kii xiligaa goobtas loo soo diray ayaa waxey ahayen Labadan nin ee Somaliyeed oo durba xabsiga dhigay ninkan ku sifoobay nacebka dadka Somalida ah oo sida la sheegay ku qeelinayay arayo cunsurinimo ah oo ka dhan ah umada Somaliyeed.
 
Baryahan danbe ayaa waxaa shanqartooda soo kordhesay naceybka Dadka qaar ay u qaban dadka Somaliyeed ee ku kala nol dafaha Wadanka Mareykanka.
 
Isku soo duboo waa markii ugu horesay oo Hey'ad herkan ah ay abaal marin siiso Police-ka Somaalida ah ee ka qeeb qadanaya suguda Amniga, iyadoo sidoo kale la sheegay in ninkii falka nacebka ah kula kaay odayga Somaliyeed maxkamad la soo tagayo, laguna qadi dono falka uu ku kacay oo sida la shegay uu ku mutesan karo xabsi dheer.
 
Cabdishakur Gurey - Keydmedia.net - Xafiisaka Minneapolis