Hoobiyayaal lala dhacay Madaxtooyada Soomaaliya

Madaafiic ayaa xalay lala beegsaday Madaxtooyada Soomaaliya, Saacado kadib markii uu qarax ismiidaamin ah ka badbaaday Farxaan Qaroolle.

Warar Keydmedia Online
Hoobiyayaal lala dhacay Madaxtooyada Soomaaliya

MUQDIISHO, Soomaaliya - Tiro Hoobiyaal ah ayaa xalay ku soo dhacay meelo aan ka fogayn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ku taalla degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir.

Dhawaqa ku dhawaad Todobo Hoobiye ayaa laga maqlay Caasimadda, waxaana goobaha ay ku dhaceen ka mid ah Hotel Muna oo daris la ah Beerta-nabadda, kaabigana ku haya Villa Somalia, sidoo kale Iskuulka loo yaqaan Raage Ugaas ayaa ka mid ah meelaha ay hoobiyayaashu ka daateen.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay'adaha Ammaanka Dowladda, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Madaafiicda lala dhacay xaafadaha ku teedsan Madaxtooyada oo hoy u ah Madaxwynaha waqtigu ka dhamaaday.

Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u liidatay tan iyo billowgii biishaan, shalay ayayna ahayd markii uu qarax is miidaamin ah ka badbaaday Taliyaha Qeybta Guud ee Booloska Gobolka Banaadir Farxaan Qoroole.

Falalka amni darro ee Kooxda Al-Shabaab sheegtaan waxaa dadka Muqdisho u dheer koox burcad hubeysan ah oo dhac joogto ah ku haya bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.