Hoolka Bulshada Gobolada Dhexe oo laga furay Magaalada Cadaado

Cadaado (KON) - Waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb lagu soo abaabulay Munaasabad Xariga looga jaray Hool loogu magacdaray Hoolka Bulshada Gobolada Dhexe.
Warar Keydmedia Online
Hoolka Bulshada Gobolada Dhexe oo laga furay Magaalada Cadaado

Munaasabada Ayaa Waxaa ka Soo qeybgalay Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada Ximan iyo Xeeb iyo Masuuliyiin ka Socotay Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Horkacayay Madaxweyena Ku Xigenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Cabdi Maxamed Axmed Nuur iyo Qaar kamida Wasiirada Cusub Ee Dowlada Goboleedka Soomaaliyeed ee Ximan iyo Xeeb.

Ugu Horay ayaana Halkaasi Waxaa ka Hadlay Agaasimaha Mu,asasada waxbarashada ee Iftiin C/laahi Sheikh Xasan Isagoona Halkaasi Ugu Mahadceliyay Hay’ada Rajo oo Iyadu Dhistay Hoolkaani Sidoo kalana Halkaasi Ka Soo Jeediyay Hadalo Ku aadan waxyaabaha uu hookaani U qaban Doono Bulshada Goboladd Dhexe ee bartamaha Soomaaliya.

Hadalka Agaasimaha Ka Dib Ayaa Waxaa Halkaasi Ka Haladay Gudoomiyaha Guud ee Hay’ada Rajo ee Fadhigeedu yahay Dalka Sweasarland ee Ustaad Maxamed  wali Isagoona Halkaasi ka Aqriyay war Ay Ay ku Qornaayeen Heshiisyada Ay Isla saxeexdeen Mu,asasaada Waxbarashada ee Iftiin iyo Hay’ada Rajo iyo Dhamaan Wax yaabihii Ay Kasoo wada Qeybqaateen War Qada Ayaan Wax Ay u Qorneed sida tan.

Hoolkaaani Loogu magacdaray Hooka Bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaana Bulshada Gobolada Dhexe ee bartamha Soomaaliya Ayaa Ah kii Ugu Horeeyay Ee Laga Furo Gobolad Dhexe ee Dalka Soomaaliya Isagoona Hoolku uu Bulshada Gobolada Dhexe ka Caawin Doona Xusida Munaasabdaha Tariikhiga ah Xaflahooda Gaarka ah.

Waxaa Qoray C/Fitaax Shiino Axmed Cali oo Cadaado jooga