Hoos u dhac xooggan oo ku yimid Ganacsiga Soomaalida ee Kenya

Madaxweyne Uhuru ayaa loogu baaqey inuu dib u eegis ku sameeyo xayiraadii waddanka Kenya saarnayd, taasoo saameyn dhinac walba ah ku yeelatay shacabka.

Warar Keydmedia Online
Hoos u dhac xooggan oo ku yimid Ganacsiga Soomaalida ee Kenya

NAIROBI - Ganacsiga Soomaalida ee Caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa hoos u dhac weyn ku yimid 5 bilood ee ugu dambeeyay, sababtoo ah xayiraadda dowladda kusoo rogtay dalkaasi kadib markii ka dilaacay cudurka Coronavirus-ka.

Wuxuu ku tiirsanaa macaamiisha ugu kala imaan jiray gobollada kala duwan ee Kenya iyo wadamada dariska, sida Uganda iyo Tanzania, sida uu sheegay mid kamida Ganacsatada, oo la hadlay Keydmedia Online.

Isku socodka oo la xanibay ayaa sababay in la waayo dadka wax ka iibsada meheradaha ganacsiga ay leeyihiin dadka Soomaalida. Dhibaatadan ayaa ah mid saameysay guud ahaan dalka Kenya oo ku jira xaalad bandow ah, oo looga gaashaamanayo fidista COVID-19.

Lama shaacin qiimaha lacagta ay khasaareen ganacsatada mudadii 5ta bilood ee lasoo dhaafay, laakiin waxaa la xaqiijiyay in goobo badan oo Ganacsi oo ku yaalla Xaafadda Islii ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.