Hooyo heshay wiilkeeda oo 4 Sano xabsi ku xirnaa

Hooyo Soomaaliyeed oo halkii wiil ee ay haysatay muddo afar sano ah xabsi sharci darro ah ugu xirnaa ayaa dib u heshay wiilkeeda

Warar Keydmedia Online
Hooyo heshay wiilkeeda oo 4 Sano xabsi ku xirnaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Hooyo Luuley Cismaan Xasan oo horay loo baahiyay iyadoo ka cabaneysa xarig sharci darro ah iyo in wiilkeeda uu iska xiran yahay muddo afar sano ah isagoo aan helin caddaalad ayaa maanta wiilkeeda dib uheshay iyadoo xabsiga Gaalshirah uu ku jiray, hooyo Luuley ayaa ku nool qol yar oo jiingad ah oo ay ka degan tahay kaam ku yaalla xaafadda Ansalooti ee degmada Xamarjajab.

Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Axmed Cali ayaa hooyada kala shaqeeyay inuu caddaalad helo wiilkeeda oo sanadkii afaraad gaalshire aan maxkamad uga horreyn isaga jiray

Hooyo Luuley cabashadeeda ayaa lagu faafiyay afar iyo labaatankii saac ee u dambeysay, iyadoo laka kaashaday wasiirro ka tirsan dowladda sidii uu caddaaladda ku heli lahaa wiilka ay dhashay hooyo Luuley oo ah maamo dan yar ah.

Qoraalkii lagu baahiyay warbaahinta iyo guud ahaan baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa u qornaa sidan:

"Luuley Cismaan Xasan waa hooyo danyar ah oo ku nool xaafadda Ansalooti ee degmada Xamarjajab. Hooyo Luuley waxay dhashay 14 carruur ah, balse waxaa hadda ka nool hal wiil kaliya. Wiilkeeda Xasan Cali Ibraahim oo ku magacdheer Xasan Eelaay wuxuu 2015 ku biiray ciidanka dowladda. Markii uu mushaar la’aan noqday 8 bil oo xiriir ah ayuu iibsaday qoray AK47 ah oo ay dowladdu siisay, si uu ugu noolaado. Sababtaas ayaana loo xiray bishii Maarso ee 2017, wuxuuna xabsi ku jiraa sanadkii 4aad. Ilaa iyo maantana caddaalad ma helin oo maxkamad lama soo taagin.

Ilaalada xabsigu waxay hooyo Luuley ka qaataan boqol kun oo shilin Soomaali ah mar kasta oo ay wiilkeeda tusinayaan. Hooyo Luuley oo 78 jir ah waxay dhabarka ku qaadataa dambiil ay uga xamaalato suuqa Ansalooti, si ay u shaqaysato quudkeeda, una hesho lacag ay ku soo aragto wiilkeeda oo ay asbuuc kasta hal maalin booqato.

Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu dhigayaa in aan muwaadinka xabsi lagu heyn karin 24 saac ka badan iyadoo aan maxkamad la soo taagin. Balse wiilkeedu wuxuu xukun la’aan xiran yahay 1,417 maalin. Maamo Luuley waxay qiraysaa in wiilkeedu qalad galay. Balse waxay ka cabanaysaa in uusan caddaalad helin oo aan maxkamad la soo taagin, aysanna ogayn maalinka uu xurriyaddiisa dib u heli doono halka wiil oo ay carruur ka haysato.

Hooyo Luuley iyo wiilkeedaba cidna uma maqna, ceelna uma qodno. Saaxiibkey Cabdiwahaab Axmed Cali oo ay deris yihiin, lana soo dadaalay ayaa xalay arrinkaan iiga sheekeeyay, galabta ayaana ugu tagnay suuqa Ansalooti oo ay ka xamaalanaysay.

Aan codka hooyo Luuley gaarsiinno cid kasta oo wax u qaban karto"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.