Hooyo Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Xajka

Makka(Keydmedia) Wararka aynu ka haleyno magaaladda Makka ee Dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in shalay hooyo Soomaaliyeed ay ku geeriyootay Xajka.
News Keydmedia Online

Haweeneydan Soomaaliyeed ayaa geeriyootay xili lagu guda jiray Sheydaan tuurka oo ay dad badan isbuurteen taasina ay sababtay Geerida ku timid.

Haweeneyda Geeriyootay oo ka xajisay Magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa  Kaltuun Shiikh Cumar,iyadoona warar kale ay sheegayaan in dad xanuunsaday loola cararay Isbitaalada.

Dadka isbitaaladda loola cararay ayaa badankood kolkii hore la xanuunsanayay cuduradda Sonkarta iyo dhiig karka.

Dowladda boqortooyada sacuudiga ayaa sheegtay in xajka sanadkan ay ku geeriyoodeen 5 ruux oo kaliya taasoo muujineysa in qasaara ahaan aad ay u yartahay marka la dhinac dhigo sanadihii hore.

Www.keydmedia.net