Hop043 iyo Hop067 oo berri lagu boobayo Dhuusamareeb

Kursigaan oo buuq xooggan ka taagan yahay, ayaa loo xiray eedeysane Yaasiin Farey, kaas oo ka mid ah, shaqsiyaadka loo jabiyay xeerarka doorashada.

Warar Keydmedia Online
Hop043 iyo Hop067 oo berri lagu boobayo Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Gudiga Hirgalinta Doorashada Heer Galmudug, ayaa ku dhawaaqay in birri oo khamiis ah, 25 November 2021, labo kursi  oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BJFS lagu dooranayo Dhuusamabeeb.

Kuraastan ayay sumaddoodu kala tahay  HOP043, HOP067, ayaa laga leeyahay Ceelbuur iyo Ceeldheer, oo dhaca koofurta Gobolka Galgaduud.

Kurisiga HOP043, Waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay Xuseen Khaasim Yuusuf Iidow, oo u dhashay beesha Habar Idinle, Murusade,Hawiye, wuxuuna saaxiib dhow la yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Xuseen Iidoow, ayaa la filayaa inuu kursigaan ku soo laabto, wuxaana u xiray Qoorqoor, oo ma jiro musharrax la baratamaya.

Kusiga HOP067, Cabdullahi Cali Axmed [CADDOW CALI GEES], ayaa matalayay Baarlamaankii 10-aad, waxaana leh, beesha Waceysle Abgaal, Hawiye, Caddow, wuxuu u dhowyahay MW Xasan Sheekh, hayeeshee, sanadkaan kuma jiro musharixiinta kursiga.

Kursigaan oo buuq xooggan ka taagan yahay, ayaa loo xiray eedeysane Yaasiin Farey, kaas oo ka mid ah, shaqsiyaadka loo jabiyay xeerarka doorashada.

“Boobka beri loo asteeyay kurisga 067 hadaan la joojin wuxuu u dhameynayaa rajadii laga lahaa guud ahaan doorashada Soomalia, gaar ahaan Doorashada Galmudug”.  Ayuu yiri Tuuryare, oo ka mid ah musharixiinta kursiga.

Yuusuf Geelle Ugaas ayaa maanta ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP026 ee golaha shacabka, kadib markii tartanka laga hor istaagay musharixiintii kale.

Sidoo kale, Mahad Cabdalla  Cawad  ayaa mar kale la soo siiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop104, kaas oo musharixiintiisii xabsi guri lagu galiyay Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.