Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab oo laga xayiray Hantidii u tiilay Bangiyada

Muqdisho (KON) - Bangiga dhexe ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa soo saaray Liis ay ku Qoran yihiin Magacyada 13 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib iskugu jira oo laga xanibay Hantidii u taalay Bangiga kadib markii lagu eedeeyay Argagixisnimo.
Warar Keydmedia Online
Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab oo laga xayiray Hantidii u tiilay Bangiyada

War kasoo baxay Bangiga ayaa waxaa lagu sheegay in Hantida u taala bangiga shaqsiyaad Soomaali ah oo qaarkood ay haystaan baasabooro dalal kale iyo xubno ajaaninb ah oo Shabab ka tirsan ka tirsan.

Liiskaan ay ku qoran yihiin magacyada shaqsiyaadkaan hantiadooda uu xanibay bangiga dhexe ee Imaaraatka waxaa ku jira hogaamiyaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama waxaana ka mid ah Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha Al-Shabab, Sh, Fu’aad Max’ed Khalaf, Xasan C/llaahi Xirsi oo Xasan Turki loo yaqaan, Sh. Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Al-Shabab kasoo baxday haatana gacanta dawlada Soomaaliya ku jira.

Nin magaciisa lagu sheegay Max’ed Saciid Bashiir Max’ed Max’ud Xasan Mahad Cumar ,oola sheegay inuu haysto baasaboor Ethiopian ah nin kale magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali Baynax oo asna haysta dhlashada dalka Sweden ganacsade Axmed Nuur Jimcaale Cumar Xamaami oo sidoo kalena loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki Cabuud Roogo oo horey Kenya loogu dilay, iyo Abuu Bakar shariif

Bangiga waxaa uu sheegay inuu go’aankaan u qaatay kadib asagoo fulinaya go’aan kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM oo tirsigiisu ahaa 1844 (2008) kasoo dhigayay in la xanibo hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha loo arko inay Shabab taageeraan

Keydmedia Online -Xafiiska Muqdisho