Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda

Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar qeybta 21-aad ee ku sugan Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Cali Ibraahim oo ahaa horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa caafimaadka gobolka Galguduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Muddo dheer ayuu Al-shabaab u qaabilsanaa Caafimaadka gobolka, hayeeshee waxa uu tilmaamay in uu ku qanci waayay dhibaatada kooxdani ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogahan oo ka ayaa ka soo tagay dagmada Ceelbuur, xalay saqdii dhexe ayuu iska soo dhiibay degaan hoostaga Dhuusamareeb.

22, July ee sannadkan ayay aheyd markii sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macallin uu isku soo dhiibay Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo bilihii la soo dhaafay degaanno ku yaalla Koonfurta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.