Horjooge Al-Shabaab oo Qarax lagu Dilay - Isreebreebkii Shabaab (XOG)

Muqdisho (Keydmedia) - Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in shalay bartamaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Timirta qarax lagula beegsaday gaari uu saarnaa mid ka mid ah Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka qeybta amniyaadka ee hoos taga Horjooge Axmed Godane
Warar Keydmedia Online
Horjooge Al-Shabaab oo Qarax lagu Dilay - Isreebreebkii Shabaab (XOG)

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjoogaha la dilayu lagu magacaabi jiray Aweys Maxamed C/raxmaan (Buur-fuule), wuxuu ka mid ahaa kooxda aad looga cabso ee amniyaadka loo yaqaano ee hoos taga Horjooge Axmed Godane, Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa miino dhulka la geliyay halka wararka qaar ay sheegayaan in gaariga ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa balse waxa la xaqijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen sarakaalka iyo mid ka mid ah ilaaldiisa.

Aweys Buurfuule ayaa ahaa mid ku dheereeya qaarijinta iyo dhigista waxyaabaha qarxa ee lala beegsan jiray goobaha ay ka socdaan howlaha nadaafada iyo shaqsiyaadka muhiinka ah kaasoo caanka ahaa degmooyinka Xamar jajab iyo X/weyne kaasoo la sheegay inuu carwo iyo Sterio weyn ku lahaa Xamar jajab balse markii la ogaaday inuu xiriir la leeyahay Kooxda Shabaab isaga cararay una wareegay dhinaca Ceelasha biyaha.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu horay u fuliyay dilal iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay degmooyinka Waaberi. X/weyne iyo X/jajab kaasoo lagu eedeeyay inuu fuliyay qarax lagu laayay Haween ka shaqynaya Nadaafadda degmada Waaberi.

Qaraxan lagu khaarijiyay sarkaalkan ka soo jeeda beelaha Banaadiriga ayaan la ogeyn cidii ka dambeysay iyo sababta looga dhigay qaraxa,iyadoo dad hgoobjoogayaal ay ku tilmaameen in shilkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo la xiriira qilaaf u dhaxeeya xarakada Al-shabaab.