Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ururka Raaskaambooni ayaa warbaahinta ka sheegay in horjooge ka tirsanaan kooxda Shabaabka uu isku soo dhiibay.
Afhayeenka Ciidamada dowladda ee gobbolada Jubbooyinka Maxamed Daahir Faarax ayaa sheegay in isa soo dhiibidda Maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda ay aad u kor dheen wixii ka dambeeyay markii lagala wareegeen degmada Afmadow oo goob muhiim ah u ahayd difaaca kooxda Shabaabka ee magaalada Kismaayo,isagoona tilmaamay in dadka isa soo dhiibay ay si wanagsan ula dhaqmaan.
Maxamed Faarax Daahir Afhayeenka dowladda ayaa xusay in horjoogaha isa soo dhiibay lagu magacaabo C/kariin Maxamed Yuusuf, wuxuuna intaasi ku daray in horjoogahaan soo goostay uu hormuud u yahay unug kamid ah dagaalyahanada kooxda Shabaabka, hase yeeshee ay lasoo galeen 8-kale oo ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay ee ay degmada Afmadow gacanta ku hayeen Ciidamada huwnata ah waxaa isku soo dhiibay 500 qof kuwaasoo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogayaashooda, waxaana xusid mudan in dadkaasi ay la soo goosteen hub, baabuur iyo agabka dagaalka.
Keydmedia.net - Xafiiska,Kismaayo
Add comment
Comments