Horseedmedia oo faahfaahisay xariga Agaasime C/wali

Kadib markii maanta maxkmad ku taala magaalada Bosaso ay ku xukuntey Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire 6 sano oo xarig ah iyo ganaax gaaraya 500$.
Warar Keydmedia Online
Horseedmedia oo faahfaahisay xariga Agaasime C/wali

 Idaacadda BBC-da ayaa waraysi hal dhinac ah la yeelatay wasiir kuxigeenka warfaafinta Puntland Cabdiqani Salaad Gurey, waxaana uu ka hadley sababaha loo xirey Cabdfataax Jaamac Mire.

Cabdiqani Salaad ayaa war aan xaqiiqda ku fadhiyin oo runtii meel uu ka keenay aan la aqoon u gudbiyey idaacadda, waxaa ugu horeyn uu sheegay in sharciga lala tiigsadey Cabdifataax in uu yahay kan la dagalaanka argagixisada.      

Xeer ilaaliyuhu markii uu denbiga ku soo oogey Cabdifataax, ma cuskan xeerkaan cusub, sidoo kale Guddoomiyaha ku dhawaaqey go’aanka waxa uu cuskadey “Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee 202 iyo 203 kaas oo soo baxay markii Soomaaliya dawladda lahayd.      

Wasiirka ayaa ku dooday in Cabdifataax uu hasytey Qareen, taas oo ah been qaawan oo nin masuul ah ku hadlo isla markaana uu ixtiraami waayey, wasaaradda uu madaxda ka yahay ee weriyuhu hoostago, Cabdifataax Qareen looma qaban isla markaana looma oggolaan in la difaaco, waxaana markhaanti ahaa boqolaalkii dadweyne ee goobta joogey.      

Ku celcelinta Waraysiga Attam      

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Cabdifataax waraysigaas qaadey, isla markaana uu ku celceliyey ilaa afar jeer.      

Waraysiga waxaa qaadey weriye kale oo ka tirsan Idaacadda, waxa uu ku baxay barnaamijka xog-ogaal ee baxa saacaddu markey tahay 13:00, waxaa ka danbeeyey waraysiga Wasiirka Amniga, ma jirin xili kale oo uu baxay saacaddu markey ahayd 17:30 oo ay idaacadda ka baxeysey Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da aya waxaa xoog kusoo galey Boolis kuwaas oo shaqaaalaha dhan xabsiga u taxaabey, Wasiirku halka uu ka keenay 4 jeer ayey baxdey isaga ayaa la weydiinayaaa.      

Xeerka Argagixisada.      

Cabdiqani oo marinhabaabinta iyo hadalada aan jirin weli dhexmuquuranaya ayaa sheegay in xeerka argagixisada ay u qaybiyeen saxaafadda, qabteen siminaaro, idaacadaha laga siidaayey, weliba Horseed Media si toos ah loo siiyey, waa arin yaab leh Sharciga argagixisdada waxaa Baarlamaanka Puntland ansixiyey 19 bishii July, ma jirin cid aragtey xeerkaas, iyo siminaar la qabtey oo warbaahinta lagu baray, ama in copy laga siiyey warbaahinta,  waxaa dhici karta in Cabdiqani Salaad Gurey ku riyoodey isaga oo shaqo fiican qabanaaya, warbaahintana siminaaro iyo tababaro u samaynaaya, waxaa sidoo kale dhici karta in Siminaaradaas Cabdiqani Salaad Gurey u qabtey raadiyaasha ka soo baxa Halalow iyo Haybooqan.      

Digniin Horseed Media la siiyey      

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in horey Horseed Media digniin u qabtey, waxaana la is weydiinayaa digniintaasi goorta ay ahayd iyo cidda bixisey, marka laga reebo handdadaad iyo cagajugleyn Madaxtooyada uga timaada Horseed Media.      

Marka la’eego qaabka arintaani u dhacdey iyo sida degdega ah ee xukunka loo ridey waxaa soo baxaya in uu ahaa arin horey looga shaqeeyey isla markaana la doonaayey in Horseed Media afka lagu qabto maadaama ay tahay warbaahinta shacabku kalsoonidooda siiyeen, iyada oo marmarsiinyo laga dhiganaayo waraysiga Attam.      

Licence to kill      

Cabdiqani Salaad Gurey oo u muuqda nin la soosiiyey “licence to kill” ayaa sidoo kale hadal la yaableh u sheegay VOA, waxaana uu yiri waaba roon tahay in 6 sano lagu xukumo haddii aan Askeri meeshiisa ugu tegin oo ficil ka qaadin, taas oo ah in meeshiisa lagu toogto, waari meyside war hakaa haro waa hadal taariikhda u galay Wasiirka waxaana tani markhaanti u tahay in Siyaasiyiinta iyo Wasiiradu lug kulahaan karaan toogashadii bareerka ahayd ee lagula kacay Weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq ee ka tirsanaa VOA, taas oo dhaawcii ka soo gaarey uu ka kacay.      

Gunaanad      

Waxaa la yaableh in wasiirku ordey oo waraysigiisi kula kufay VOA iyo BBC oo labada  warbaahinood ay yihiin meelihii uu Shiikh Maxamed Attam waraysiga siiyey, isla markaana ka sheegtey guulaha, waraysi kuwaas la mid ahna waa midda weriyaha Horseed Media ku muteystey in laba qisaaso oo la toogto. 

Horseed media weli si toos ah ugama hadlin xariga indhala’aanta ah ee lagu xukumay Cabdifataax Jaamac Mire, waxaana ka warsugeynaa rafcaan aan ka qaadanay arintaas, waxaana u qabsaney Lawyar, waxaana ka lifey in aan qoraalkan kooban aan qorno sida Cabdiqani Salaad Gurey isugu dayey in uu been qaawan ku difaaco xariga dulmiga iyo xaaraanta ah ee lagula kacay Cabdifataax Jaamac Mire.

Isha Xogta: Horseedmedia.net