Howl-gallo aminiga lagu sugayo oo ka socda Boosaaso

Xaaladda amniga ee magaalada Boosaaso ayaa u muuqata mid faraha ka baxeysa, iyadoo xalay ay ka dhaceen magaalada labo weerar oo loo adeegsaday bamb gacmeed.
 

News Keydmedia Online
Howl-gallo aminiga lagu sugayo oo ka socda Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya- Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ka billawday howlgal lagu xaqiijinayo amniga magaaladaas, oo maalmihii ugu danbeeyey faraha ka baxayey.

Ciidamada howlgalka sameynaya, ayaa guri guri u garaacaya, aqallada ku yaala magaalada, iyadoo ay jirto in xalay ay magaalada ka dhaceen labo qarax oo loo adeegsaday bamb gacmeedyo.

Saraakiil u hadashay booliska magaalada Boosaaso, ayaa sheegtay in howlgalladan ay daba joogaan, qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada, kuwaasoo ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudaha Boosaaso ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyey noqotay furin dagaal, waxaana fariisimo ka kala sameystay ciidamo kala taabacsan, PSF iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Al Shabaab oo ka faa'iideysanaya xiisada ka taagan Boosaaso ayaa laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan magaalada, waana arrin caqabad weyn ku noqon doonta amniga Puntland, oo 20 sano ee ugu danbeysay aad u hagaagsanaa.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.