Howl gal aan hore loo arag oo Muqdisho laga fuliyay

Waxaa maanta Maagadala Muqdisho gaar ahaan deegaanada ka maqan gacanta Dowlada ay ka fuliyeen Xisbiga uu hogaamiya Xasan Daahir Aweys howl gal lagu bartilmaameedsanayo nimanka aan garka laheyn.
Warar Keydmedia Online
Howl gal aan hore loo arag oo Muqdisho laga fuliyay

Howl galka ayaa waxaa laga fuliyay Wadooyinka Wadnaha, Warshadaha iyo Wadada 30-ka waxaana rag tiradooda ay gaareyso 100 laga qabtay wadooyinkaasi iyaga oo saaran gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Ragga la qabtay ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen amar sandula ah oo Xisbiga kol hore soo saareen kaas oo ahaa in Ragga ay garka deystaan isla markaana shaaribka ay gaabiyaan.

Shalay ayey ku beegneed xiligii ay xisbiga u qabteen Ragga in ay gar ku yeeshaan, waxaana talaabadani ay u muuqataa  mid daba taagan arinkaasi.

www.keydmedia.net




Warar 16 January 2021 11:54

Waa Muqdisho, bishii Jannaayo Sanadda 1991. Rajiimka Siyaad Barre ee xukunka ku amar-ku-taagleynayey, waxa uu dareemay in ay maalmihiisii soo koobameen oo gabaabsi yahiin, markaasu go'aansaday in uu dalka burburiyo, dadkana laayo.