Nin Caan ka ahaa Suuqa C/shideeye oo laga qaafaashay.

Wararka ay keydmedia.net ka heleyso gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gudaha Suuqa C/shideeye laga qabtay nin suuqa caan ka ahaa.
Warar Keydmedia Online
Nin Caan ka ahaa Suuqa C/shideeye oo laga qaafaashay.

Warbixinada ayaa sheegaya in kooxa hubeysan oo dhalinyara ah ay ka kaxeesteen shalay gudaha goob Madbacad ah oo ku taala Suuqaasi nin lagu magacaabo Abuukar kaas oo ku caan ahaa sameynta Docoment-yada kale duwan.

Abuukar ayaa ahaa nin si weyn ugu caan ahaa kala qorista Sabar loogooyinka, Baasaboorada iyo Shahoodiyinka, waxaana uu ahaa nin inta badan quudkiisa uu ku xiranyahay suuqaasi.

Inkastoo aan si rasmi ah loo heyn sababta ka danbeysay arintaasi ayaa hadana waxaa wararka qaarkood ay sheegayaan in kooxaha hubeysan ay baareen xarunta Madbacada aheyd ee laga qabtay ninkaasi.

Inta badan gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa laga qabqabtaa dad kale duwan kuwaa oo qaarkood mudo bila ah aan war iyo wacaal aan laga helin.

www.keydmedia.net




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.