Howlgal laga fuliyay duleedka Muqdisho

Howlgalka ayaa yimid saddex maalmood kadib markii Ciidanka Puntland ay ku dileen 10 katirsan Al-Shabaab duleedka magaalada Boosaaso ee waqooyiga gobolka Bari.

Warar Keydmedia Online
Howlgal laga fuliyay duleedka Muqdisho

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dilay saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab kadib howlgal ka dhacay duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, sarkaal militari ayaa xaqiijiyay.

Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin, Taliyaha Qeybta 16-aad ee SNA, ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ciidanku ay howlgal ka fuliyeen wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Jowhar, ayna khasaaroo xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

“Ciidamada waxay dileen saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo miino ku aasayay wadada dhinaceeda si ay shacabka ugu dhibaateeyaan,” ayuu yiri Ismaaciil, isagoo intaasi ku daray in Ciidanku ay goobta ka saareen miinooyinka, islamarkaana wadada amnigeeda la xaqiijiyay.

Howlgalka ayaa yimid saddex maalmood kadib markii Ciidanka Puntland ay ku dileen 10 katirsan Al-Shabaab duleedka magaalada Boosaaso ee waqooyiga gobolka Bari.

Ciidamada dawladda kuwa AMISOM ayaa Al-Shabaab ka saaray Muqdisho Agoosto 2011, laakiin xagjiriintu waxay wali ku dhuumaaleysanayaan dhulka miyiga ee gobollada koonfurta iyo bartamaha, iyagoo fulinaya weeraro gaadmo ah iyo miinooyinka jidka lagu aaso.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.