Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Mareykanka ayaa Saldhig ku leh Degaanka Sanguuni, oo 50-KM u jirta Kismaayo, halkaasi oo sanad kahor hal askari looga dilay, kuwa kalena looga dhaawacay weerar Al-Shabaab ku qaaday.

Warar Keydmedia Online
Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan howlgal militeri oo laga fuliyay 24-kii saac ee lasoo dhaafay nawaaxiga magaaladda Kismaayo, kaasoo lagu beegsaday saldhig ay leedahay Kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka oo qaar kamid ah la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in duulaan qorsheysan ay ku qaadeen Al-Shabaab, kadib markii ay cabasho u soo gudbiyeen Shacabka ku nool tuulooyinka ku dhow Cabdalla Biroole.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay in la kulmeen iska-caabin intii ay ku guda jireen howlgalkooda, iyadoo lagu soo waramayo inay dib ugu soo laabteen saldhigooda markii ay gaari waayeen goobaha dadka rayidka ah ku dhibaateyso Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.