Howlgal miino baaris ah oo laga sameeyey J/hoose

Waxaalasoo saaray miinooyin halis ku ahaa dadka deegaanka.

Warar Keydmedia Online
Howlgal miino baaris ah oo laga sameeyey J/hoose

Ciidanka Jubbaland ayaa howlgal miino baaris ah waxay ka sameeyeen gobolk Jubbada Hoose, waxaana ay soo saareen miinooyin lagu aasay waddooyin ay shacabka aad u isticmaalaan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa warbaahinta u sheegay in wadada isku xirta Yoontoy iyo Goobweyn laga soo saaray dhowr miino.

Waxa ay saraakiishan sheegeen in Al-shabaab ay ugu talagaleen in miinooyinkaan ku laayaan dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.