Howlgallo Dad lagu soo Qab Qabtay oo laga sameeyay Baydhabo

Baydhabo (KON) - Waxaa Xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo howlgallo lagu xiray ila iyo 20 Qof oo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen falal amni darro ah oo magaalada ka dhacay.
Warar Keydmedia Online
Howlgallo Dad lagu soo Qab Qabtay oo laga sameeyay Baydhabo

Howlgaladaan ayaa ka dhaceen Xaafadaha Siigaale iyo Bardaale.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa 20 Qof ku eedeeyay inay wax ka og yihiin ama ku lug lahaayeen amni darrada magaalada Baydhabo.

"Nimankaan baaritaan ayaa ku socda, insha allah waxaan isku dayenaa in Magaalada laga sifeeyo Argagixisada iyo Ragga Amnidarada ka wada" Ayuu yiri Sargaal ka tirsan Dowlada oo la hadlay Warbaahinta.

Keydmeida Online - Xafiiska Muqdisho