400 Qof oo Muqdisho lagu soo Qabtay

Muqdisho (Keydmedia) - Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya waxaa maalintii 3aad ka socda howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kuwaasoo lagu beegsanaayo Maleeshiyaadka qaska magaalada ka wada ee kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online
400 Qof oo Muqdisho lagu soo Qabtay

Howlgaladaan oo ah kuwii ugu ballaarnaa ayaa waxaa intii ay socdeen lagus oo qabtay dad kor u dhaafaaya 400 qof kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanyihiin Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Degmooyinka ay howlgallada xoogooda ka socdaan ayaa waxaa kamid ah, Huriwaa, Yaaqshiid,Deyniile iyo qeybo badan oo Muqdisho ka tirsan

Howlgaladaan ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee TFG-da ee loo yaqaano Alfa, Ciidamo Militari ah iyo AMISOM, waxaana la sheegay inay yihiin kuwo lagu xoojinaayo amaanka guud ee Caasimada Muqdisho, waxana howlgaladani ay yihiin kuwo wali socda.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho