Hoyga RW uu Kismaayo ka Dagn yahay oo La Weeraray

Kismaayo(KON)-Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Kismaayo Raisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed Max’ed ayaa Xalay la weeraray.
Warar Keydmedia Online
Hoyga RW uu Kismaayo ka Dagn yahay oo La Weeraray

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xarunta Madaxtooyada Maamulka KMG ah ee Jubba oo ay Dagan yihiin Wafdiga R/wasaaraha Soomaaliya Xalay la Weeraray.

Kooxda Al-shabaab ayaa Weerar kooban ku soo qaaday Madaxtooyada Magaalada Kismaayo,waxaana halkaa ka dhacay dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Shabaab iyo Maleeshiyada Raas kambooni.

Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Labada dhinac ee Dagaalamay.

Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Keydmedia onlie u sheegay in Saaka Xaalada ay Degan tahay,Wafdiga Raisul waarahana ay Nabad qabaan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku hoyday Habeenkii Labaad  Raisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sh Axmed iyo Wafdi la socda oo Kismaayo ku sugan.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho